BBC ayaa Agaasime cusub yeelatay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Novermber, 2012, 23:30 GMT 02:30 SGA

Tony Hall waxa uu horey u ahaan jiray madaxa wararka ee BBC

Agaasimaha cusub ee BBC-da, waxaa uu noqonaya, Tony Hall oo haatan ah madaxa Daarta lagu maamulo, Heesaha iyo Riwaayadaha la socda ee loo yaqaano Opera oo wata magaaca Boqortooyada, ama Royal Opera House.

Tony Hall waxaa uu horay u ahaan-jirey, madaxa-Qaybta wararka ee BBC-da.

Waxaanu beddeleya, Agaasimhii Guud ee hore, George Entwistle ee Jagada ka degay, markii Barnaamj ka baxay Idaacadda telefishinka ee BBC uu si khalad ah u sheegay in nin Siyaasi ahaa oo la yaqaano uu Carruur faraxumeeyay.

Agaasimaha cusub waxa uu shaqada bilaabayaa bishan Maarso ee sanadka cusub.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.