Banaanbaxyo ka dhacay Puntland

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Novermber, 2012, 05:40 GMT 08:40 SGA

Banaanbaxa ka dhacay magaalada Qardho ayaa waxa ku dhaawacmay laba qof

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacmay magaalada Qardho ee Puntland kadib markii ciidamada amnigu ay rasaas ku fureen dad dibadbaxyo ku dhigayay magaalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka dibedbaxayay ay ka soo horjeedaan in xilliga loo kordhiyo maamulka Puntland.

Dibadbaxayaasha ayaa wadooyinka ku gubay taayaro, iyagoo isla markaana dhagxaan tuurayay.

Dibadbaxyada ayaa ku soo beegmay xilli uu halkaas booqanayay madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Sawirro laga soo qaaday Qardho ayaa muujinaya dhalinyaro, caruur iyo dumar dibedda u soo baxay oo qaarkood sitaan boorar maryo ka samaysan oo ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo looga soo horjeedo madaxwayne Faroole.

Mid ka mid ah boorarka ayaa waxaa ku qornaa dooni mayno kororsi.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.