Qarax ka dhacay Nigeria

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Novermber, 2012, 17:34 GMT 20:34 SGA

Ciidamada Nigeria ayaa sheegay in laba weerar oo is qarxin ay ka dhaceen kaniisad ku dhex taala saldhig ciidan waqooyiga Kaduna.

Ugu yaraan laba iyo toban qof ayaa dhintay, soddon kalena waa la dhaawacay.

Weerarkii ugu horeeyay ayaa bas ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa lagu qarxiyay kaniisada dhexdeeda. Toban daqiiqo ka dibna baabuur ayaa ku qarxay kaniisada horteeda.

Ciidamada Nigeria ayaa ku eedeeyay weerarka kooxda islaamiyiinta ee Boko Xaraam.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.