Tirinta codadka doorashooyinka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 Novermber, 2012, 02:52 GMT 05:52 SGA

Codbixinta doorashada ayaa waxa ay ka dhacaysay 1844 goobood

Weli waxa socota tirinta codadka doorashooyinka degaanada ee Somaliland oo dhacay 28 bishan.

Gudiga doorashooyinka somaliland ayaa hore ugu dhawaaqay in tirada guud ee goobaha sanaadiiqda codbixinta guud ahaan somaliland ay noqononeyso 1844 goobood lixda gobol ee Somaliland.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Ciise yusuf Xamari ayaa BBC u sheegay in tirada goobaha codbixinta gobollada loogu kala qaybiyay sidan : Gobolka maroodi-jeex ee Hargeysa 616 goobood , gobolka Togdheer 379 goobood, gobolka awdal 256 goobood , gobolka sanaag 295 goobood , gobolka Saaxil 109 goobood , iyo gobolka Sool 189 goobood .

Doorashadan golayaasha deegaanada somaliland waxaa ku tartamaya todoba urur siyaasadeed oo kala ah: Ummadda,
UCID , Kulmiye , Dalsan , Rays, Waddani iyo Xaqsoor . waxay dhacaysaa doorashadu 28 november 2012 waxaana ay dhanyihiin
guud ahaan 21 degmo kuraasta loo tartamayaa 353 kursi , iyadoo musharraxiinta guud ahaan todobada urur ee degmooyinkaasi guud ahaan ay dhanyihiin 2471 murashax .

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige wuxuu ku soo waramayaa in doorashadan ay joogaan goob joogayaal caalami ahi iyadoo ay tahay markii labaad ee doorasho gole deegaan laga qabto Somaliland , doorashadii ugu horreysay waxay dhacday 2002 .

Somaliland waxa kaloo laga qabtay doorashooyin isdaba joog ahaa oo lagu soo doortay Madaxweyne iyo madaxweyne xigeen 2003 iyo 2010 iyadoo doorasho baarllamaanna la qabtay 2005 .

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.