Israel oo dhisanaysa Daanta Galbeed

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 1 December, 2012, 10:35 GMT 13:35 SGA
Israel

Guryaha ay Israel ka dhisanayso dhulka ay ka haysato Falastiiniyiinta.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa dhaleecaysay Israel go'aanka ay ka dhisayso saddex kun oo guri dhulka ay falastiiniyiinta ka hasato ee Bariga Jerusalem (Qudus) iyo Daanta Galbeed.

Hilary Clinton waxay sheegtay in si kasta ay Israel u adkayso difaaceeda, ma xaqiijin karto ammaankeeda. Waxay sheegtay in amaankeeda uu ku imaan karo oo kaliya heshiis nabadeed.

Go'aanka Israel ayaa yimid maalin ka dib markii Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay Falastiiniyiinta inay yihiin dal goob joog ka ah Qaramada Midoobay, laakiin aan xubin ka hayn.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.