Rajadii Susan Rice oo baaba'day

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 December, 2012, 05:18 GMT 08:18 SGA

Susan Rice ayaa waxa lagu cambaareeyay hadaladii ay sheegtay kadib weerarkii Libya ee safiirka lagu dilay

Danjiraha u fadhiya Mareykanka Qaramada Midoobay, Susan Rice, ayaa ka baxday tartankii ay ugu jirtay inay qabato shaqada Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka.

Madaxweyne Obama ayaa ka aqbalay go'aankeeda, laakiin waxa uu cambaareeyay waxa uu ugu yeeray weerarro aan xaq ahayn oo marin habaabin ah oo ay ku sameeyeen xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Mr Rice waxa ay sheegtay inay uga joogtay si ay uga hortagto iska hor imaad dhaawac u geysta siyaasadda dalka.

Waxaa si xoog leh loogu dhaleeceeyay hadaladii ay sheegtay kadib weerarkii hubeysnaa ee lagu qaaday qunsuliyaddii Mareykanka ee magaalada Bengasi ee dalka Libya oo lagu dilay safiirkii Mareykanka ee Libya.

Senator John Kerry ayaa la aaminsan yahay inuu yahay qofka hadda ugu horreeya jagadaasi, oo ay bisha Janaayo ka tageyso Hillary Clinton oo go'aansatay inay isaga degto.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.