Afti loo qaadayo dastuurka Masar maanta

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 December, 2012, 12:59 GMT 15:59 SGA
Codbixinta aftida dastuurka

Codbixinta aftida dastuurka.

Dad badan ayaa u soo baxay codaynta wareeegii koowaad afti loo qaadayo dastuurka cusub ee qabyada ee Masar. Aftida ayaa kala qaybisay wadanka dhalisayna banaanbaxyo rabshado leh.

Boqol iyo labaatan kun oo askari ayaa la dhigay goobaha codaynta ee Qaahira, Alexandaria iyo siddeed gobol oo kale.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, laakiin xaalada way degan tahay.

Dastuurka qabyada ah ayaa waxaa taageersan madaxweyne Morsi iyo xisbigiisa Akhwaan Muslimiin, laakiin mucaaradka ayaa ka soo horjeeda oo sheegay in Islaamiyiinta ay si deg deg ah u sameeyeen iyo inaysan ilaalinayn xuquuqda dadka.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.