Markab laga soo daynayo Puntland

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 December, 2012, 11:07 GMT 14:07 SGA
Burcada badaha

Burcada Soomaalida oo xirtay dadkii saarnaa shaqaale markab oo ay qabsadeen.

Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada amniga ee badda ay isku dayayaan in la sii daayo markab ay qabsadeen burcad badeeed in ka badan laba sanno ka hor.

Waxaa ay sheegeen in saddex burcadbaddeed ah la dilay toddobaadkan horaantiisii, markii ciidamada amnigu ay joojiyeen doon burcad baddeed oo hub iyo sahay kale u sidday markabka calankiisu yahay Panama ee MV Iceberg One.

Xukuumadda ayaa sheegtay in howlgallada ay sii socdaan iyo in ugu yaraan afar askarta dowladda ah ay ku dhaawacmeen.

Warbaahinta gobolka ayaa sheegaysa in ugu yaraan askari ka tirsan dowladda uu ku dhintay iska hor imaadka.

Burcad-baddeednimada xeebaha ka baxsan Soomaaliya ayaa si muuqata u yaraatay sanadkan, balse tiro maraakiib ah iyo boqolaal shaqaalihii sarnaa ah ayaa wali la haystaa.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.