27 ku dhintay weerar ka dhacay Iskuul

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 December, 2012, 03:44 GMT 06:44 SGA

Qaar ka mid ah carruurta iskuulka la weerarray

Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay labaatan carruur ah iyo lix qof oo kale, iskuul hoose oo ku yaal gobolka waqooyiga bari ee dalka Mareykanka ee Connecticut.

Dilkan, ayaa ka mid ah kuwii ugu xumaa ee taariikhda Mareykanka soo mara ee dad badan lagu dilo.

Dad goob joog ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaaqa rasaas boqol gaareysa iyo carruur naxsan oo ka cararayay Iskuulka hoose ee Sandy Hook oo ku yaal magaalada Newtown.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in ninkii dableyda ahaa uu isna dhintay. Waxa uu ahaa labaatan jir.

Ka hor weerarka uu ku qaaday iskuulka, waxaa la aaminsan yahay inuu dilay hooyadii oo iyana macallin ka ahayd halkaasi.

Ardayda iskuulka ayaa waxa ay da'doodu u dhexeysay shan iyo toban jir.

Dadka magaalada Newtown, ayaa qabanaya xus ay u sameynayaan dadkii dhibaatadu ka soo gaartay weerarka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.