Dastuurka Masar oo u eg in la ogolaaday

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 December, 2012, 11:54 GMT 14:54 SGA
Codbixiyayaasha

Dadka reer Masar oo saf ugu jira codaynta aftida dastuurka.

Natiijadii ugu horaysay ee aan rasmi ahayn ee loo qaado dastuurka qabyada ah ee Masar ayaa sheegaysa in si isu dhow loo ogolaaday aftida.

Natiijada rasmiga ah lama ogaan karo ilaa la qaado wareeega labaad ee aftida sabtida soo socoto.

Aad ayaa loogu soo baxay codayntii wareega koowaad ee aftida dastuurka oo u dhacday si degan.

Laakiin xalay waxaa la weerarary xarunta mucaaradka xisbiga Wafd. Dastuurka cusub ayaa waxaa taageersan Madaxweyne Mursi iyo xisbiga Akhwaan Muslimiin, laakiin mucaaradka ayaa ka soo horjeedo iyagoo sheegay inuusan siinayn xoriyad dadka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.