Zuma oo mar kale dib loo doortay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 December, 2012, 16:20 GMT 19:20 SGA

Jacob Zuma waxaa mar kale loo doortay hoggaanka ANC

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa markale dib loogu doortay hoggaanka Xisbiga talada haya ee ANC.

Guusha Madaxweyne Zuma ayaa waxa ay u xaqiijineysaa shan sano oo kale oo awoodda uu sii hayo.

Natiijada codkii ay u qaadeen ergada xisbiga ANC ayaa muujineysa in Mr Zuma uu si weyn ugu guuleystay, isaga oo helay codad ku dhaw saddex kun halka ninka la tartamayay, Kgalema Motlanthe, oo ku xigeenkiisa ah uu helay ku dhawaad kun cod.

Waxaa jiray walaac isa soo taraya oo ku saabsan eedeymo la xiriira musuqmaasuq.

Xisbiga ayaa waxa ay ku xigeenka cusub ee Zuma u doorteen maalqabeenka ganacsadaha ah ee Cyril Ramaphosa.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.