Madaxweyne Xasan oo la kulmay Museveni

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 December, 2012, 17:11 GMT 20:11 SGA

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Uganda, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Yoweri Museveni

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada hadal kula yeeshay dalka Uganda Madaxweynaha Yuweri Museveni.

Sida uu BBC u sheegay Safiirka Soomaaliya ee agaalada Kampala, Sayid Axmed Sheekh Daahir, labada Madaxweyne ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal oo uu ku tilmaamay mid hadda nqoday joogto.

Waxa uu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen arrimaha ammaanka iyo sidii ay Uganda gacan uga geysan lahayd shaqada ay hadda ka wadaan Soomaaliya oo ciidamo ay ka joogaan.

Waxa kale oo la isla soo qaaday sidii ciidanka tababaro loogu fidin lahaa iyo dhisitaanka hey'adaha dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho ku maraya dalalka deriska ah sida Kenya oo dhawaan uu kulan la yeeshay Madaxweyne Mwai Kibaki.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.