Shiinaha oo wax ka qabanaya musuqmaasuqa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 December, 2012, 11:42 GMT 14:42 SGA
Milatari

Milatariga Shiinaha.

Hoggaamiyaha cusub ee waddanka Shiinaha, Xi Jinping, waxaa uu musuqmaasuqa waddankaas ku baahsan u aqoonsaday inuu yahay khatarta ugu weyn ee soo wajahday sii socoshada xukunka xisbiga shuuciga ah.

Tallaabada uu ku xamakeynayo loofarnimada madaxda sare ee ciidammada waxay ugu dambaysaa iskuday uu ku doonayo inuu muujiyo sida ay arrintani uga go'an tahay.
Qaabilaadda saraakiisha sare mar dambe looma fidinayo qaddiifad cas loomana muujin doono qaabkii heerka sare ahaa ee loo qaadqaadi jiray.

Waxaana saraakisha sare amar lagu siiyay inay joojiyaan laaluushka ay qaadan jireen iyaga iyo dadka eheladooda ah iyo kuwa u shaqeeya.
Taallaabooyinkan cusub waxay la mid yihiin kuwa dhowaan lagu soo rogay madaxda sare ee xisbiga shuuciga ah.

Ma kala cadda inay ka duwan yihiin daaqad la madoobeeyay. Iskudayo hore loo sameeyay si xayiraado loogu soo rogo madaxda sare ayaa u muuqda inaysan wax badan tarin.

Waxayna dowladdu qaadday tallaabooyin adag si warbaahinta dibadda looga joojiyo ka warramidda arrimahan iyadoo warbaahintaasi ay hore baaritaan ugu sameysay hantida ay urursadeen ehelada hoggaamiyeyaasha sare oo uu ka mid yahay Xi Jinping laf ahaantiisa iyo ra'iisal wasaaraha xilka ka degaya, Wen Jiabao.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.