Natiijooyinka kulammadii ugu dambeeyay horyaalka Ingiriiska.

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 December, 2012, 15:03 GMT 18:03 SGA
kooxda QBR

Kooxda Queens Park Rangers.

Waa toddobaadkii 17aad ee Horyaalka Ingiriiska xilli-ciyaareedka 2012/2013.

Waxayna kooxuhu isu-arkeen:

Wigan iyo Arsenal waxaa 1 gool iyo 0 ku badisay Arsenal.

Manchester City 1-0 Reading.

Newcastle 1-0 QPR.

Southampton 0-1 Sunderland.

Tottenham 0-0 Stoke.

West Brom 2-1 Norwich.

West Ham 1-2 Everton.

Liverpool 2-0 Fulham.

Stoke guul oo kale ayay u tahay mar haddii ay Tottenham gurigeeda barbardhac kula gashay.

West Ham oo gurigeeda looga badiyay waxay u fiican tahay Everton oo dibadda ku soo badisay.

Kooxda haysata horyaalka loo tartamayo ee Manchester City waxay toddobaadkan ku fakatay hal gool oo daqiiqaddii 92aad uu u dhaliyay laacibka Gareth Barry, taas oo ka badbaadisay inay la degto kooxda ugu hooseysa tartanka ee Reading. Waxaana Manchester City ay saddex dhibcood ku soo gaabisay farqiga u dhexeeya iyada iyo Manchester United oo hadda hoggaanka u haysa tartanka horyaalka Ingiriiska, lehna 42 dhibcood kahor inta aysan maanta la ciyaarin kooxda Swansea.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.