Mubarak oo loo wareejinayo isbitaal militeri

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 December, 2012, 15:53 GMT 18:53 SGA

Xusni Mubarak waxa uu maamulayay dalka Masar muddo 30 sano ah.

Dacwad oogaha guud ee dalka Masar ayaa amar ku bixiyay in Madaxweynihii talada dalkaasi laga riday ee Xusni Mubarak, in laga saaro xabsiga oo loo wareejiyo isbitaal militerigu leeyihiin kadib markii xaaladdiisa caafimaad ay ka sii dartay.

Lama oga goorta la wareejin doono Xusni Mubarak.

Mubarak ayaa muddoo kooban loo qaaday isbitaalka toddobaadkii hore kadib markii xanuun qabtay isaga oo ku jira musqusha qubeyska ee xabisga.

Madaxweynaha hore oo da'diisu tahay 84 jir ayaa waxa uu xukumayay dalka Masar 30 sano -- waxaana ku qasbay inuu xafiiska ka dego kacdoonkii ka dhacay dalka Masar bishii Febraayo ee sanadkii 2011.

Waxaa lagu xukumay xabsi daa'in doorkii uu ku lahaa dadkii lagu dilay intii ay socdeen banaanbaxyadii looga soo horjeeday maamulkiisa.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.