Faransiiska oo adkaynaya ammaanka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Janaayo, 2013, 21:03 GMT 00:03 SGA
Ciidamada Faransiiska

Ciidamada Faransiiska ee jooga Mali.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa sheegay inuu adkayn doono ammaanka dalka Faransiiska si looga hortago weerar kadib markii ciidamada Faransiiska ay hawlgalo ka fuliyeen Soomaaliya iyo Mali.

Mr Hollande ayaa sheegay inay jiri doonaan ilaalin dheerad ah goobaha bulshada iyo gaadiidka dadwaynaha.

Dalka Mali ciidamada Faransiiska waxay weerar cirka ku qaadeen maleeshiyada islaamiyiinta.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in ay qasaaro u gayteen cadawgooda laakiin aysan howsha wali dhamaan..

Ciidamada dowladda Mali ayaa sheegay in ay dib u qabsadeen magaalada Konna iyagoo kaashanaya ciidamada Faransiiska. waxay sheegeen inay dileen ilaa boqol islaamiyiin.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.