Askari Faraniis oo lagu dilay Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 Janaayo, 2013, 10:33 GMT 13:33 SGA
Denis Allex

Dennis Allex ayaa lagu afduubay Muqdisho 2009kii.

Askari ka mid ah ciidanka qaaska ah ee Faraniiska iyo qofkii ay badbaadinayeen ayaa lagu dilay tuulada Buulo Mareer ee koonfurta Soomaaliya, kadib markii ay qaadeen weerar ay ku badbaadinayaan qof Faransiiska u dhashay oo lagu afduubay Soomaaliya 2009kii.

Wasaarada gaashaandhiga ee Faransiiska ayaa sheegtay in Denis allex oo ka tirsanaa sirdoonka Faransiiska ay dileen dadkii afduubay, kadib markii uu dagaal dhexmaray maleeshiyada islaamiyiinta iyo ciidamada Faransiiska. Toddobo iyo toban islaamiyiin ayaa lagu dilay weerarka.

Denis Allex ayaa lagu afduubay magaalada Muqdisho sanadkii 2009kii.

Weerarka ayaa xalay ay qaadeen ciidamada qaaska ah ee Faransiiska iyagoo lagu keenay helikontar saldhig ay islaamiyiinta ku lahaayeen koonfurta Soomaaliya..

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.