Falastiiniyiin laga saaray xeryo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Janaayo, 2013, 13:34 GMT 16:34 SGA
Daanta Galbeed

Boliiska oo xoog uga bixinaya dadka xeryaha ay samaysteen.

Ciidamada Israel, ayaa xoog uga kiciyay dad falastiiniyiin iyo taageerayaal caalamka ka socda oo ka samaystay xero si ay uga hortagaan dhismaha guryo cusub.

Siyaasi falastiiniyiin ah Mustafa Barghouthi ayaa ka mid ahaa dadkii uu boliiska ka kiciyay goobta saakay subaxnimadii.

Xerada Falastiiniyiinta, ayaa la sameeyay Jimcihii iyadoo looga soo horjeedo qorshaha lagu dhisaayo guryo dadka yahuuda ay degaan ee Daanta Galbeed oo loo yaqaan E-1.

Falastiiniyiinta iyo taageerayaashooda ayaa sheegay in dhisida E-1 ee Daanta Galbeed ay ka goyn doonto falastiiniyiinta magaalada Jerusalem. (Qudus).

Guryaha ay Israel ka dhisayso dhulka ay ka haysato Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed ayaa ah sharci daro marka la eego sharciga caalamiga ah .

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.