Askari Faransiis oo la sheegay inuu dhintay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Janaayo, 2013, 12:07 GMT 15:07 SGA

al-Shabaab waxa ay sheegeen in weli uu nool yahay oo ay hayaan Denis Allex

Kooxda Islaamiga ee al-Shabaab ayaa sheegtay in askari Faransiis ah oo dhaawac ahaa oo ay ku qabteen hawlgalkii fashilmay ee Faransiiska uu dhintay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu u dhintay askarigaasi dhaawacyadii soo gaaray.

Shabaab ayaa boggooda twitterka ee internet-ka waxa ay soo geliyeen sawirro oo muujinaya nin caddaan ah oo meyd ah, oo dhulka yaalla oo hub iyo qalab badan ooo militerina ay ag yaalaan.

Shabaab waxa ay ku sheegtay inuu yahay taliye Faransiis ah oo ku jiray hawlgalkaasi fashilmay.

Sawirrada lama xaqiijin karo, laakiin dowladda Faransiiska ayaa cambaareysay daabacaadda sawirka.

Faransiisku waxa ay horey u sheegee inay aaminsan yihiin labo askari iyo ninkii la heystay in ay dhamaantood ku dhinteen dagaalka intii uu socday.

Sideed qof oo rayid ah ayaa lagu dilay isku daygaasi lagu doonayay in lagu soo furto la hayste Faransiis ah Denis Allex.

Al-Shabaab oo gacanta ku heyso ninkaasi Faransiiska ah, Denis Allex ayaa sheegtay in uu weli nool yahay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.