Shabaab oo sheegay inay dileen Denis

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Janaayo, 2013, 11:45 GMT 14:45 SGA

Denis Allex waxa la qabsaday sanadkii 2009

Kooxda Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacida ayaa sheegtay inay dileen nin Faransiis ah oo ay haysteen muddo afar sano ah.

War ay ku qoreen boggooda twitter-ka ayaa Shabaab waxa ay ku sheegeen inay dileen Arbacadii Denis Allex, oo ah sarkaal sirdoonka Faransiiska ka tirsanaa.

Toddobaadkii hore ayaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Faransiisku waxa ay weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen Shabaab oo ku yaal koonfurta Soomaaliya, laakiin waxa ay ku guuldareysteen inay badbaadiyaan Mr Allex.

Laba ciidanka Faransiiska ah iyo 17 Soomaali ah ayaa lagu dilay dagaalka labada dhinac dhexmaray.

Saraakiisha Faransiiska ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in Mr Allex lagu dilay intii uu weerarka socda ciidanka Faransiisku socday.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.