Mareykanka oo aqoonsaday dowladda Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Janaayo, 2013, 10:01 GMT 13:01 SGA

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka

Dowladda Mareykanka, ayaa si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, markii ugu horreysay muddo ka badan labaatan sano.

Iyada oo ka hadleysay magaalada Washington kadib markii ay la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Hillary Clinton waxa ay ku tilmaantay maalin horumar weyn la gaaray.

Mrs Clinton waxa ay sheegtay in Mareykanku uu tixgelinayo madaxbanaannida Soomaaliya isla markaana uu soo wadi doono inuu si dhaw ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isna uga mahadceliyay Washington waxa uu ugu yeeray taageerada xooggan.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya ay geleyso weji cusub.

Weriye BBC ayaa sheegaya in aqoonsiga Washington ee dowladda Soomaaliya ay albaabka u furi doono taageero ballaaran oo beesha caalamka ay siiso Soomaaliya.

Dowladda Mareykanku waxa ay sheegtay inay aqoonsan tahay midnimada Soomaaliya, Isla markaana aanay jiri doonin siyaasaddii loo yaqaanay dual track ee maamulada Soomaalida midba gaar loola macaamili jiray.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.