Shir looga hadlayo Mali

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 19 Janaayo, 2013, 11:10 GMT 14:10 SGA
Ciidamada Afrikaanka  ee la keenay Mlai

Ciidamada Afrikaanka ee la keenay Mali

Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika ayaa imanaya magaalada Abidjan ee Ivory Coast si ay uga hadlaan iskaashiga ciidamada loo dirayo dalka Mali.

Ciidamada Faransiiska

Ciidamada Faransiiska ee ka dagaalamaya Mali

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Laurent Fabius, ayaa shirka ka qaybgalaya.

Hogaamiyayaasha Afrika, ayaa la filayaa inay ka hadlaan si faahfaahsan taageerada ay siinayaan ciidamada Faransiiska iyo kuwa Mali ee la dagaalamaya Islaamiyiinta qabsaday waqooyiga Mali.

Boqolaal ciidan ee gobolka oo ka imaaday Nigeria iyo Togo ayaa jooga Mali, taasoo ah qayb yar oo ka mid ah in kabadan saddex kun oo ciidan oo la balanqaaday.

Wariyaha BBC ee Galbeedka Afrika ayaa sheegay in suaalo la iska waydiinayo awooda ay ciidamada Afrikaanka au kula dagaalami karaan islaamiyiinta Mali.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.