23 ku dhimatay Aljeriya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Janaayo, 2013, 10:58 GMT 13:58 SGA
Dadkii lagu afduubay Aljeriya

Dadkii lagu afduubay saldhiga gaaska ee Aljeriya.

RaiisalWasaaraha Britishka David Cameron ayaa sheegay in saddex qof opo British ahla xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkii argagixisada ay ku qaadeen saldhiga gaaska ee Aljeriya.

Afar kale oo qof oo sharci ku leh Britain ayaa dhintay. Wuxuu sheegay in masuuliyada dhimashada dadka ay saaran tahay afduubayaasha.

Mr Cameron wuxuu sheegay in weerarka Aljeriya uu yahay xasuusin adag qatarta argagixisada ay ku hayso waqooyiga Afrika iyo caalamka.

Wasiirka warfaafinta ee Aljeriya ayaa sheegay in ilaa labaatan iyo saddex qof oo la afduubay ay dhinteen lagana yaabo inay tirada sii kororto.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.