Madaxweyne Obama oo xilka loo dhaarinayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Janaayo, 2013, 15:47 GMT 18:47 SGA
Madaxweyne Obama

Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama.

Madaxweyne Obama ayaa maanta loo dhaarinayaa markii labaad madaxweynenimada afarta sano ee soo socota.

Waxaa lagu dhaarin doonaa madaxweynaha xaflad yar oo lagu qabanayo Aqalka Cad.

Dastuurka Maraykanka ayaa dhigaya in madaxweynaha uu xilka la wareego labaatanka Janaayo, laakiin maanta ayaa ah maalin Axad oo aan la shaqayn, sidaas darteed dhaarta ay dadka ka soo qaybgalayaan bari ayaa la qabanayaa.

Sida caadada ay tahay waxaa la dhaariyay madaxweyne ku xigeenka Joe Biden marka hore, isagoo lagu hordhaariyay garsooraha maxkamada sare Sonia Sotomayor horteeda.

Madaxweyne Obama iyo ku xigeenkiisa Mr Biden ayaa mar labaad lagu hordhaari doonaa bari boqolaal kun oo qof horteeda

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.