Madaxweyne Obama oo la caleemo saaray

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 Janaayo, 2013, 15:14 GMT 18:14 SGA

Obama oo loo dhaarinayo xilka madaxtinimada markii labaad

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa jeediyay khudbad ku aaddan munaasabadda bilowga xilligiisa labaad ee Aqalka Cad ee Mareykanka, kaddib markii lagu dhaariyay fagaaraha Capitol Hill ee magaalada Washington.

Madaxweynaha ayaa waxa uu khudbaddiisa uga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sida wax looga qaban lahaa dhibaatada qoryaha Mareykanka iyo dadka soo galootiga ee sharci darrada ku yimaada dalka Mareykanka.

Waxaa kale oo uu ka hadlay siyaasadda arrimaha dibedda.

Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale shalay waxa lagu dhaariyay xaflad yar oo lagu qabtay Aqalka Cad.

Boqolaal kun oo qof ayaa isugu yimid munaasabbada dhaarta Madaxweynaha

Boqolaal kun oo dad ah ayaa isugu yimid goobta xafladdu ka dhacayso ee magaalada Washington si ay u daawadaan khudbadda Madaxweynaha, oo ay raaci doonaan socod iyo cayaaro.

Xafladda caleemo saarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegantay maanta oo ah maalinta lagu maamuuso Martin Luther Kin oo ahaa nin caan ah oo xuquuqda dadka u dhaqdhaqaaqi jiray.

Madaxweyne Obama ayaa ah ninkii ugu horreeyay ee madow ah oo Afrika ka soo jeeda oo madax ka noqda dalka Mareykanka.

Obama ayaa waxa u yaal arrimo waaweyn oo ay tahay inuu wax ka qabto gudaha iyo dibeddaba afarta sano ee soo socota.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.