Ugu yaraan 20 ayaa lagu dilay Nigeria

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 22 Janaayo, 2013, 20:26 GMT 23:26 SGA

Dad reer Nigeria ah oo barooranaya dad Boko Xaaraam ay ka dishay

Ugu yaraan labaatan qof ayaa lagu dilay waqooyiga bari ee dalka Nigeria, waxaana looga shakisan yahay kooxda mintidiinta Islaamiga ah ee la yiraahdo Boko Xaaraam.

Dad deegaanka ah ayaa sheegay in rag hubeysan ay rasaas ku fureen suuq dadku aad ugu badan yihiin oo ku yaal magaalada Damboa maalintii Isniinta.

Saraakiisha Nigeria ayaa sheegay in dadka ugaarsada la bartilmaameedsaday sababtoo ah waxa ay iibinayeen hilib dameer iyo doofaar, oo oo muslimiinta xaaraan ay ka tahay inay cunaan.

Weriye BBC ayaa sheegay in arrin kale ay tahay in dadka ugaarsatada ah ay ka caawiyeen ciidanka dowladda inay la dagaallaan Boko Xaaraam, weerarkaasina uu ahaa mid aargudasho ah.

Boko Xaaraam oo u dagaallamaysa in shareecada Islaamka oo adag ay ku soo rogaan -- ayaa sanado dagaal ka waday Nigeria, gaar ahaan dhinaca waqooyi ee dalka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.