Cameron oo ku baaqay afti

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Janaayo, 2013, 10:12 GMT 13:12 SGA

Raiisul Wasaarahga Britain, David Cameron waxa uu doonayaa in afti loo qaado ka mid ahaanshaha EU

Raiisul Wasaaraha Britain, David Cameron ayaa ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.

Isaga oo ku jiray khudbad in muddo ah la sugayay ayaa waxa uu Mr Cameron sheegay in codbixintu ay noqon doonto waan ka mid ahaaneynaa iyo waan ka baxaynaa, isla markaana la qaban doono dhammaadka sanadka 2017.

Waxa uu sheegay in taasi ay raaci doonto in dib looga wada xaajoodo shuruudaha xubinimada Britain.

Mr Cameronwaxa uu ku nuuxnuuxsaday in aanu ahayn mid Britain gooni u saaraya, laakiin uu doonayo xiriir Britain ku haya Midowga Yurub.

Waxa uu sheegay inay jirto kala fogaansho sii koroya oo u dhexeeya Midowga Yurub iyo dadka u dhashay, taasi oo laga dareemayo dalkan Britain.

Mr Cameron waxa uu sheegay in la gaaray xilligii dadka British-ku ay aragtidooda ka dhiiban lahaayeen, maadaama buu yiri ay ujeedadii guud ee Midowga Yurub ay wax iska bedeshay tan iyo markii la aasaasay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.