Kuuriyada Waqooyi oo digniin bixisay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Janaayo, 2013, 10:28 GMT 13:28 SGA

Mid ka mid ah gantaallada Kuuriyada Waqooyi

Kuuriyada Woqooyi ayaa soo saartay digniin ku socota Kuuriyada Koofureed oo sheegaysa inay filato jawaab gacan ka hadal ah haddii ay taageerto cunaqabateyn ay Qaramada Midoobay meelmarisay toddobaadkan.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Woqooyi waxay daabacday hadalkan maalin kaddib markii waddankaasi uu ku dhawaaqay inuu fulinayo tijaabo 3aad ee hubka nukliyeerka ah.

Kaddib hadal caro leh oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Woqooyi iyo guddiga difaaca labadii maalmood ee la soo dhaafay, arrintani waxay ahayd farriin toos ugu socota Kuuriyada Koofureed.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un

'Haddii Seol ka qayb qaadato cunaqabateynta cusub ee Qaramada Midoobay, Kuuriyada Woqooyi ficil ayay kaga jawaabi doontaa' ayuu sheegay hadalku.

'Cunaqabateyn sii socota waxaa macnaheedu yahay dagaal, waana ku dhawaaqid dagaal naga dhan ah', ayay tiri Kuuriyada Woqooyi.

Waxay u egtahay in Kuuriyada Woqooyi ay Kuuriyada Koofureed ku eedeynayso dareen xoog leh oo caalamku ka bixiyay gantaal ay dhowaan hawada u dirtay.

Hase ahaatee, maalintii Khamiistii waxay Kuuriyada Woqooyi waxay eedeynaysay cadawgeeda ugu weyn oo ah Maraykanka, iyadoo sheegaysay in tijaabada nukliyeerka ee ay qorsheysay iyo sidoo kale gantaalaha iyo dayax-gacmeedyada ay hawada u direyso ay gebi ahaanba ugu talagashay ka hor imaatin Maraykanka.

Cunaqabateynta dheeraadka ah, ee Qaramada Midoobay ku dhawaaqday toddobaadkan, waxay ku timid gantaal nooca ridada dheer oo Kuuriyada Woqooyi ay hawada u dirtay bishii December, taas oo jebisay mamnuucid Qaramada Midoobay arrintaas hore uga soo saartay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.