al-Shabaab oo la xiray bogga twitter-ka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Janaayo, 2013, 11:45 GMT 14:45 SGA

Bogga al-Shabaab ay ku lahayd twitter ataa la xiray

Kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa boggii ay ku lahaayeen twitter-ka maanta la xiray.

Al-Shabaab oo sameeyay boggaasi oo la oran jiray HSMPress sanadkii 2011, ayaa waxa ay inta badan u istcimaali jireen inay soo geliyaan sheegashada weerarada ay ku qaadaan ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo Shabaab ay soo gelin jireen sawiradda dadka ay dilaan ama ay qabsadaan.

Dhawaan waxa al-Shabaab ay soo gelisay boggaasi twitter-ka sawirka askari Faransiis ah oo ay sheegeen inuu u dhintay dhaawacii ka soo gaaray dagaalkii dhexaray iyaga iyo ciidanka Faransiiska ee doonayay inay soo firtaan qof u dhashay Faransiiska oo ay heysteen.

Arbacadii waxa kale oo ay ku hanjabeen in ay dili doonaan dad u dhashay Kenya oo ay hayaan, haddii dowladda Kenya aanay sii deyn dadka u xiran argagaxisada.

Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in aanay wax wada hadal ah la gelin kooxaha argagaxisada, ayna sii daayaan dadka ay heystaan oo ay sheegtay in aanay ahayn dad ka tirsanaa ciidanka.

Kumanaan dad ah ayaa ku xirnaa oo la socon jiray wararka ay soo geliyaan, waxaana uu u ahaa meel ay ka gudbisan jireen afriintooda iyaga oo ku qora luqado kala duwan.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.