Masar: Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 Janaayo, 2013, 11:03 GMT 14:03 SGA

Rabshado ka dhacay magaalada Port Saciid ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan soddon qof oo ay ku jiraan laba boliis iyo laba ciyaartooy, in kabadan saddex boqol oo qof ayaa ku dhaawacantay. Telefishinka Masar ayaa sheegay in dad mudaaharaadayay ay galeen saldhig boliis.

Mudaaharaad

Dad ku mudaaharaadaya fagaaraha Taxriir

Rabshadaha ayaa ka dhashay markii Maxkamad ku taala Masar ay ku xukuntay labaatan iyo kow qof dil iyadoo lagu eedeeyay dhimashada in ka badan toddobaatan qof oo ku dhintay garoonka kubada cagta ee Port Saciid ee sanadkii hore.

Waxaa jiray farxad qaylo oo ay dadkii maxkamadda ku jiray ay sameeyeen markii lagu dhawaaqay xukunka. Laakiin reerkii iyo taageerayaasha dadka la xukumay ayaa isku dayay inay galaan xabsiga ay nimanka ku xiran yihiin. Laba boliis ayaa lagu dilay iska horimaadyo.

In kabadan lixdan qof ayaa lagu qaaday dacwad, iyadoo loo haysto dilkii garoonka kubada cagta ee dhacay kadib ciyaar naadiga Port Saciid iyo naadi ka socday Qaahira. Dhowr boliis ayaa lagu eedeeyay inay wax ka caawiyeen dhimashada dadka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.