Faransiiska oo qabsaday Gao

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Janaayo, 2013, 22:32 GMT 01:32 SGA
Ciidamada Faransiiska iyo ciidamo ka socda galbeedka Afrika

Ciidamada Faransiiska iyo ciidamo ka socda galbeedka Afrika ayaa Mali ka caawinay inay islaamiyiin ka saaraan waqooyiga wadanka oo ay qabsadeen sanadkii hore.

Ciidamada Faransiiska ayaa sheegay inay ka qabsadeen islaamiyiinta magaalada Gao oo ah magaalada ugu dadka badan waqooyiga Mali.

Waxay sheegeen in ciidamada gaarka ah oo ay taageerayaan dayuurado inay qabsadeen garoonka diyaaradaha iyo buundo marta wabiga Niger, intaysan magaalada qabsan.

Waa guushii ugu wayneed ee ay gaaraan ciidamada laba toddobaad gudahood, markii ay bilaabeen dagaalka ay kula jiraaan islaamiyiinta la wareegay waqooyiga Mali sanadkii hore.

Ciidanka Mali ayaa sheegay in ciidamada Niger iyo Chad inay ka caawinayaan nabadsugida magaalada Gao.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.