Britain oo ka digtay tegista Somaliland

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Janaayo, 2013, 14:59 GMT 17:59 SGA

Xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Britain ayaa ka digaya khatar reer galbeedka kaga soo fool leh Somaliland.

Xafiiska arrimaha dibadda waxaa uu ka digay khatar cusub oo ku wajahan dadka reer galbeedka ee jooga Somaliland.
Xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqa-sooranka waxaa uu horeyba ugu taliyay inaan wax socdaal ah lagu tegin Soomaaliya oo dhan, oo ay ku jirto, Somaliland waxaana lagula talinayaa dhammaan dadka muwaadiniinta British-ka ah inay ka baxaan.

Warku waxaa uu sheegay inay jirto khatar gaar ah oo la ogyahay inay ku wajahan tahay dadka reer galbeedka ee jooga somaliland, waxaana lagu boorrinayaa qofkii muwaadin british ah oo halkaas jooga oo taladeenna aan raacin inuu dhaqso uga baxo. khatarta laga digayo waxaa ka mid ah:

Afduub lagu doonayo faa'iido dhaqaale ama siyaasadeed ama ay keentay dembiilenimo ama argagixisanimo, taas oo ka jirta soomaaliya oo dhan.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.