Hawlgalka Mali oo lacag loo uruurinayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Janaayo, 2013, 16:40 GMT 19:40 SGA

Hawlgalka caalamiga ee dalka Mali waxa lagula dagaallamayaa kooxaha Islaamiyiinta

Dalalka deeqda bixiya ayaa ku shiraya magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalka Itoobiya oo ay ka balanqaadeen lacag ka badan 450 milyan oo doolar oo la siinayo hawlgalka militeri ee caalamiga ah ee dalka Mali ee lagula dagaallamayo kooxaha Islaamiyiinta ee waqooyiga dalka iyo gargaar bini'aadanimo.

Lacagta ayaa ka yar kala bar intii ay codsadeen hoggaamiyayaasha qaaradda Afrika.

Dalkan Britain, Xoghayaha Gaashaandhigga (Philip Hammond) ayaa baarlamaanka u sheegay in ciidamada British-ku aanay wax dagaal ah ka qeybgali doonin, laakiin dowladdu ay kordhisay gacanta ay ku biirineyso hawlgalka ay horkacayaan ciidanka Faransiiska ee dalka Marli, iyo faragelinta ciidanka Afrika ee Qaramada Midoobay ay taageersan tahay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.