Ciidanka Somaliland oo xirtay darajo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 Febraayo, 2013, 18:23 GMT 21:23 SGA

Media Player

Maanta ayaa markii ugu horreysay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ku dhawaaqay in ciidamadu xirtaan derajadooda.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Maanta oo kale 2- dii bishii Febraayo1994, waxay ku beegantahay sanad guuradii 19-aad ee markii uu madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ku dhawaaqay aasaaska ciidan milleteri oo Somaliland yeelato kadib markii la mideeyay maleeshiyaadkii.

Darajo

Darajada ciidanka Soomaaliland oo markii ugu horaysay ay xirteen.

Ilaa iyo xilligaasi ciidamada Somaliland ee milletiriga, boliiska, iyo asluubtu midkoodna ma xiran jirin darajooyinka ciidamada lagu yaqaanno.
inkastoo la kala yaqaanno saraakiisha iyo askarta.

Maanta, ayaa markii ugu horreysay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ku dhawaaqay oo ansixiyay in ciidamadu xidhaan derajadooda, isagoo sheegay in saraakiil, saraakiil xigeen ka badan shan kun haatan loo diyaariyay derajadoodii inay xidhaan iyo gunooyinkoodii oo miisaaniyadda sanadkan 2013 ugu jira.

Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland oo bixinaya darajada ciidamada ay xirtaan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.