Madaxii Jamaacat Islaami oo la xukumay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 Febraayo, 2013, 10:21 GMT 13:21 SGA

Hoggaaiyaha Jamaacat Islaami

Maxkamad gaar ah oo dambiyada dagaalka ee Bangladesh ayaa waxa ay ku xukuntay hoggaamiye sare ee kooxda Islaamiga ugu weyn dalka Bangladesh xabsi daa'in doorkii uu ku lahaa xadgudubyadii la sameeyay intii lagu guda jiray dagaalkii xornimo doonka muddo haatan afartan sano laga joogo.

Abdul Kader Mullah oo ahaa hoggaamiyaha Jamaat-e-Islami ayaa lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa dilkii boqolaal dad rayid ah oo aan hubeyseyn.

Waxa uu ku qeyliyay garsoorkii maxmakadda markii ay ku dhawaaqeen go'aankooda.

Xisbigiisa ayaa waxa uu ku baaqay taagerayaashiisa inay isugu soo baxaan dibed bax dalka oo dhan ah.

Iskuullada iyo dukaamada magaalada caasimadda ee Dhaka ayaa xiran, ciidanka booliiska ayaa waxa ay isku dhaceen dad banaanbaxay.

In lagu qiyaasay saddex milyan oo dadka Bangladesh ah ayaa lagu dilay dagaalkii 1971, kaasi oo keenay inay ka go'aan Pakistan.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.