Saldhig CIA oo ku yaal Sacuudi Carabiya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Febraayo, 2013, 19:29 GMT 22:29 SGA

Anwar al Awlaki waxa lagu dilay weerar drone oo ka dhacay Yemen 2011

Hey'adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa ka hawlgalaysay saldhig ciidan oo qarsoodi ah oo ku taal dalka Sacuudiga oo dayaaradaha aanay cidina wadin ee Mareykanka ee Drones laga duulinayay labadii sano ee u dambeeyay.

Warbaahinta Mareykanka ayaa hadda uun ka war heshay arrintaasi.

Saldhiga ayaa waxa loo sameeyay in laga ugaarsado xubnaha al-Qaacidda ee dalka Yemen.

Drone laga tuuray Sacuudiga ayaa lagu dilay Anwar al-Awlaki dalka Yemen sanadkii 2011.

Al-Awlaki waxa uu ahaa wadaad u dhashay dalka Mareykanka waxaana loo arkayay inuu ahaa madaxa hawlgallada al-Qaacida ee Gacanka Carabta.

Lama sheegin halka uu ku yaal saldhiggaasi qarsoodiga ah ee dalka Mareykanku ku leeyahay Sacuudiga.

Kooxaha Islaamiyiinta mintidka ah ayaa waxa muddo dheer ay ku eedeyn jireen masuuliyiinta Sacuudiga oo ay sheegeen inay aad ugu dhaw yihiin Mareykanka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.