Kufsiga carruurta ee dalka India

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Febraayo, 2013, 12:14 GMT 15:14 SGA

Sanad walba waxaa lagu soo warramaa in ka badan 7 kun oo kiis

Hey'adda xuquuqda bini'aadamka u doodda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda India ay ku guul darreysatay inay wax ka qabato xadgudubyada iyo kufsiga lagula kaco carruurta dalkaasi.

Kumanaan carruur ah ayaa sanad walba la kufsadaa dalka India iyo qaar kale oo dhibanayaan ah ayaa loo geystaa xadgudubyo, sida ay sheegtay hey'adda Mareykanka ah ee Human Rights Watch.

Hey'addu waxay sheegtay in sanad walba lagu soo warramo in la kufsado in ka badan toddobo kun oo caruur ah.

Warbixintan cusub ee ay soo saartay ayay ku sheegtay hey'addu in carruurta dhibanayaasha ah inta badan ay si xun ula dhaqmaan ciidanka booliiska.

Warbixinta ayaa ku soo beegantay iyada oo dalka India si weyn looga careysan yahay kooxdii bishii disember kufsaday gabar yar oo markii dambe u dhimatay dhaawacyadii ka soo gaaraytaasi oo markiiba keentay in arrimaha hawenka laga doodo.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.