Tunisia: Banaanbaxyo lagu taageerayo dowladda

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Febraayo, 2013, 19:39 GMT 22:39 SGA
Raiisalwasaaraha Tunisia

RaiisalWasaaraha Tunisia Hamadi Jebali.

RaiisalWasaaraha Tunisia, Hamadi Jebali ayaa ka digay inuu iscasili doono hadii aan la aqbalin inuu kala diro dowladda oo uu ku badalo dowlad ku meel gaar ah.

Wuxuu qorshahan soo jeediay Arbacadii kadib markii la dilay hogaamiyihii mucaaradka Chokri Belaid, taasoo dhalisay banaanbaxyo rabshado leh. Qorshaha ayaa waxaa ka soo horjeestay xisbiga talada haya ee Ennahdha. Kumanaan qof ayaa qabtay maanta banaanbax iyagoo taageeraya dowladda.

Shalay ayaa boqolaal kun oo ka soo horjeeda dowladda ay ka soo qaybgaleen aaska Mr Belaid, iyagoo dilkiisa ku eedeynaya xisbiga Ennahdha ee talada haya.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.