Baraf iyo dabaylo saameeyay Maraykanka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Febraayo, 2013, 10:33 GMT 13:33 SGA

Boqolaal kun oo qof ayaa waqooyi bari Maraykanka ah koronto la'aan iyadoo baraf xoogan uu socdo maalintii labaad.

Saldhiga korontada ee nuckliyeerka ee Massachusetts, ayaa la xiray iyadoo shan gobol ee ku yaala xeebaha bariga ay ku dhawaaqeen xaalad deg deg ah.

Malaayiin qof oo degan Massachusetts, Rhode Island, Connecticut, New York iyo Maine ayaa loo sheegay inay gurigooda joogaan.

Duulimaadyo

Duulimaadyo badan ayaa la joojiyay.

Dabaylo ayaa soo riday geedihii iyo tiirarkii korontada. Ilaa hal meter oo baraf ayaa la filayaa inuu meelaha qaar ka da'o. ku dhawaad duulimaadyadii oo dhan ayaa la joojiyay, tareenadiina waa la hakiyay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.