Afganistan oo loo yeelay taliye cusub

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 Febraayo, 2013, 11:34 GMT 14:34 SGA
Jeneral John Allen

Jeneral John Allen oo xilka wareejiyay maanta ayaa sheegay in markii ay ciidamada ka baxaan Afganistan in ciidamada qaar ay ku hari doonaan Afganistaan.

Jeneraalka Maraykanka Joseph Dunford, ayaa kala wareegay xilka ciidamada Nato ee Afganistaan taliye John Allen munaasabad lagu qabtay magaalada Kabul dibadeeda.

Jeneral Dunford, wuxuu masuul ka noqon doonaa ciidamada Maraykanka markay ka baxayaan Afganistaan. Markuu xilka wareejinayay ayuu BBC u sheegay in ciidamada isbahaysiga ay ku guulaysanayaan dagaalka ay kula jiraan Talibaan.

Joseph Dunford

Jeneral Joseph Dunford ayaa maanta xilka Nato la wareegay.

Ciidamada Afganistan ayaa hadda hogaamiya howlgalo waawayn, laakiin Jeneral Allen ayaa sheegay in Nato ay u baahan tahay dulqaad iyo inay caawiyaan ciidamada Afganistaan.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.