Dood murrashaxiinta Kenya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 Febraayo, 2013, 00:37 GMT 03:37 SGA

Doodda xubnaha sideedda ah ee u taagan madaxtinimada Kenya

Kenya ayaa qabatay dooddii ugu horreysay ee murrashaxiinta madaxtinimada oo telefishinka si toos ah looga daawado.

Doodda ayaa waxa ka qeybgalayay sideed musharrax, waxaana ra'yiga dadweynaha laga uruuriyay uu muujinayaa in ay aad isugu dhawaayeen Raiisul Wasaare Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Uhuri Kenyatta.

Mr Kenyatta ayaa dacwad looga heystaa maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka oo lagu eedeeyay inuu door ku lahaa rabshadihii dhacay doorashooyinka kadib shan sano ka hor.

Waxa uu ku adkeystay in dacwadaha loo heysto in aanay ka hor istaagi karin in dalka uu maamulo. Laakiin Mr Odinga ayaa sheegay inay adkaaneyso in dowlad laga hago Skype iyada oo la joogo Hague.

Mr Kenyatta ayaa ku tilmaamay qabyaaladda inuu yahay cudur kansar ku dhacay Kenya.

Mr Odinga ayaa isna sheegay inuu yahay cudurka dadka madaxda ah, isaga oo balanqaaday in dowladdiisu ay xaqiijin doonto sidii kheyraadka si isla eg loo wadaagi lahaa.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.