USA: Afar Soomaali oo lagu helay danbi

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Febraayo, 2013, 10:35 GMT 13:35 SGA

Maxkamad ku taala California ee dalka Maraykanka, ayaa afar nin oo Soomaali ah ku heshay danbi inay lacag u aruurinayeen Al Shababaab.

Nimanka danbiga lagu helay waxaa mka mid ah, Imaamkii masaajid ku yaala San Diego. Nin kale oo ah darawal tagsiile magaalada San Diego ayaa wuxuu u ogolaaday Al Shabaab inay isticmaalaan gurigiisa Muqdisho.

Maxkamadda ayaa dhagaysatay cadaymo sida hogaamiyayaasha Al Shabaab ay uga codsadeen ninka tagsiilaha inuu lacag u soo diro, oo ay tahay waqtigii la taageeri lahaa Jihad.

Afarta nin ayaa la xukumi doonaa bisha May ee soo socota.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.