Suuriya: SNC kama qaybgalayno shirar

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Febraayo, 2013, 11:16 GMT 14:16 SGA
Friends of Syria

Waddamada Friends of Syria ayaa qabtay dhowr kulan oo looga hadlaayo xaalada Syria.

Mucaaradka ugu wayn dalka Suuriya, ayaa sheegay inaysan ka soo qaybgaleen dhowr shir oo caalami ah iyagoo sheegay inay ka xun yihiin sida caalamka uu ugu guuldaraysteen joojinta dagaalka ka socda Suuriya.

Isbahaysiga Qaranka Suuriya (SNC) ayaan ka qaybgaleen shirarka waddamada Saaxiibada Suuriya oo lagu qabanayo Rome bisha danbe, iyo wadahadalo lagu qabanayo Moscow iyo Washington.

Wariyaha BBC ee Bariga Dhexe ayaa sheegaya in go'aankan uu wax u dhimayo dadaalka loogu jiro in dagaalka lagu xaliyo wadahadal lala yeesho xubnaha dowladda Assad.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.