Afganistan: Ha ka baxo Maraykanka Wardak

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Febraayo, 2013, 22:15 GMT 01:15 SGA
Wardak

Wardak waxay ku taalaa bartamaha Afganistan waana gobol muhiim u ah la dagaalanka Taliban.

Ciidamada qaaska ee Maraykanka ee jooga Afganistan ayaa loo qabtay laba toddobaad inay kaga baxaan gobolka muhiimka ah ee Wardak.

Afhayeenka Madaxweynaha Afganistan Hamid Karzai, ayaa sheegay in go'aanka la qaatay, kadib markii loo soo jeediyay eedaymo shaqaale Afganistan oo la shaqaynayay ciidamada Maraykanka ay ku lug lahaayeen dad Afganistaan u dhashay oo la waayay iyo kuwo la jirdilay.

Wardak ayaa waxaa ka socday howlgalo lagula dagaalamaayay Taliban, waxaana loo arkaa meel ay weerarka ka soo qaadaan Taliban markii ay weerarayaan Kabul.

Afhayeenka ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in eedeymaha ay u arkaan kuwo culus.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.