Masar oo soo hormarisay doorashada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Febraayo, 2013, 16:18 GMT 19:18 SGA
Madaxweynaha Masar

Madaxweynaha Masar Maxamed Morsi

Afhayeenka madaxweyne Morsi, waxaa uu sheegay in maalinta doorashada Baarlamaanka ee Masar laga beddelay 27 bisha April loona beddelay 22 isla bisha April, si loo xaqiijiyo in qof kasta uu dalka Masar codkiisa dhiibto.

Hoggaamiyeyaasha masiixiyiinta Qibdiga ah ee laga tiro badan yahay, ayaa horey uga digay in bilaabidda doorashada ee waqtiga lagu jiro dabbaaldegga ciiddooda loo yaqaan Easter oo ah maalintii uu dhintay Nebi Ciise, calayhi salaam, ay yareyn karto ka qayb galkooda doorashada.

Dad badan oo Qibdiyiin ah, waxay dareemayaan culays dheeraad oo kaga imanaya madaxweynaha islaamiga ah iyo xisbiga akhwaanul muslimiin ee awoodda siyaasadda haysta.

Hubaal la'aanta maalinta doorashada ka taagneyd, waxaa horeyba ay mucaaradka guud ee waddanka Masar u arkayeen tallaabo-gef cusub, ama turunturro ku dhacday Mr Morsi doorashada kahor, taas oo mid ka mid ah mucaaradka Maxamed al Baraadici, uu horeyba u sheegay inay tahay in la qaaddaco.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.