Xadgudubyo ka dhacay Afganistan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Febraayo, 2013, 12:29 GMT 15:29 SGA

Booliiska Afganistan ayaa xadgudubyo u geysta dadka

Baaritaan ay BBC-du sameysay ayaa waxa lagu ogaaday caddeymo muujinaya xadgudubyo ay sameeyaan booliska magaalada Sangin ee gobolka Helmand ee dalka Afghanistan.

Baaritaanada ayaa waxa lagu ogaaday in boolisku ay geysanayaan dil, xadgudub loo geysto caruurta, afduub, musuqmaasuq, iy isticmaalka maandooriyaha.

Booliiska Afganistan ayaa inta badan si ka madax bannaan ciidamada caalamiga ah uga shaqeynayey gobolkaasi.

Dowladda Afganistan ayaa sheegaysa in ciidamadeeda iyo booliskuba aya diyaar u yihiin in ay si buuxada ula wareegaan ammaanka.

Axaddii afhayeen u hadlay madaxweynaha Afganistan waxa uu sheegay in ciidamada Maraykanka ee gaarka ah laga soo ceyrinayo gobolka Wardak ka dib markii ay soo baxeen eedeymo ah in ciidamada afghanistan ee ka hoos shaqeynayey lala xiriiriyay dad la waayey iyo jir dil.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.