US oo taageeraya mucaaradka Suuriya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Febraayo, 2013, 15:08 GMT 18:08 SGA

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, John Kerry, ayaa markii ugu horreysay balanqaaday taageero toos ah oo Mareykanku siinayi mucaaradka hubeysan ee Suuriya.

Tallaabadan oo loo arkay inay tahay isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda ayaa kaalmada Mareykanku bixinayo waxaa ku jira cunto iyo gargaar caafimaad laakiin hub kuma jiro.

Isaga oo ka hadlayay magaalada Rome kadib markii uu kulan uu la qaatay kooxda saaxiibada Suuriya, ayaa Mr Kerry waxa uu ku dhawaaqay 60 milyan oo dollar oo dheeraad ah gargaar u dhigma oo la siinayo mucaaradka siyaasadeed ee Suuriya, si ay adeegga aasaasiga ah ugu qabtaan rayidka jooga goobaha ay ka taliyaan iyo inay gacan ka siiso inay dhisaan dowlad iyo nidaam kala dambeyn.

Hoggaamiyaha isbahaysiga qaran ee mucaaradka, Moaz al-Khatib, ayaa sheegay in weli ka xun yahay in aan la siin kaalmo militeri.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.