Nin inta baabuur lagu xiray lagu jiiday

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 1 Maarso, 2013, 11:28 GMT 14:28 SGA

Mico Macia waxaa lagu xiray oo lagu jiiday baabuurka booliiska

Madaxa booliiska dalka Koonfura Afrika ayaa shaqadii ka joojisay sideed booliis ah oo lala xiriiriyay dhimashada nin tagsiile ahaa oo dhintay isaga oo ku jira gacanta booliiska.

Ninkaasi oo u dhashay dalka Mozambique, ayaa ciidanka booliisku waxa ay ku xireen baabuur kadibna waxa ay ku jiideen jidka isaga oo ku xiran baabuurka booliiska.

Dhacdadan oo uu mobile ku duubay qof dadweynaha ka tirsan ayaa waxa laga sii daayay telefishinka dalka Koonfur Afrika.

Madaxa booliiska Koonfur Afrika, Riah Phiyega, oo ka hadleysay shir jaraa'id ayaa waxa ay sheegtay in taliyihii saldhigga Daveyton oo u dhaw magaalada Johannesburg, in shaqadii laga qaaday, inta uu socdo baaritaan la xiriira sida uu ku dhintay ninkaasi.

Tiro yar oo dad banaanbaxaya ah ayaa isugu yimid banaanka hore ee saldhiggaasi booliiska ee uu ku dhintay ninka tagsiilaha ah oo 27-jir aha.

Dadka qaar ayaa waxa ay ku qeylinayeen baabuurta booliiska ee marayay jidka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.