Maraykanka oo dhimaya miisaaniyada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 Maarso, 2013, 12:32 GMT 15:32 SGA
Madaxweyne Obama

Madaxweyne Obama ayaa doonayay in canshuuraha la kordhiyo si dadka aysan shaqo la'aan ugu dhicin, laakiin waa lagu heshiin waayay.

Madaxweyne Obama ayaa ka digay ganacsatada la shaqaysa milatariga iyo shaqaale kale oo dowladda u shaqeeya inay shaqadooda wayn doonaan, kadib markii uu saxiixay siddeetan bilyan oo dollar oo lagu dhimayo miisaaniyada.

Qudbadiisa toddobaadlaha ayaa Obama uu ku sheegay, in dhimista miisaaniyada ay wax u dhimi doonto dhaqaalaha.

Xisbiyada Dimoqraadiga iyo kan Jamhuuriga, ayaa ka soo horjeeda dhimista misaaniyada oo lagu heshiiyay 2011 si loo dhimo ammaahda lagu leeyahay Maraykanka. Labada xisbi ayaa ku guuldaraystay inay ku heshiiyaan heshiis cusub oo miisaaniyada lagu dhimo. Obama ayaa doonayay in la kordhiyo canshuuraha si miisaaniyada loo dhimo.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.