Ugu yaraan 25 ku dhimatay Pakistan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Maarso, 2013, 17:17 GMT 20:17 SGA
Ehelo

Ehelada dadka dhintay oo u ooynaya dadkooda.

Ugu yaraan labaatan qof oo Shiica ah ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Tobonaan kale oo qof ayaa ku dhaawacantay laba qarax oo ka dhacay degaanka Cabaas ee Karachi.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu xoog badnaa oo uu burburiyay guryo u dhowaa.

Qofna ma qiran inay weerarka ka danbeeyeen. Weerarkan ayaa yimid toddobaad ka dib markii qarax ka dhacay magaalada Quetta oo ay ku dhinteen ku dhawaad sagaashan qof oo u badan Shiica.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.